Ciidamada dowlada iyo kuwa amisom oo la sheegey iney u dhaqaaqeen dhinaca degmada baraawe

0
58

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa xaafadaha magaalada Marka qaarkood waxaana wararkii ugu dambeeyey ey sheegayaan in la arkayey dabaabaadka dagaalka oo usii jiheystay degmada Baraawe.

Degmada Baraawe ayaa fariisin weyn waxay ku tahay Al-Shabaab waxaana halkaasi ku yaala labo idaacadood oo ay leeyihiin Al-Shabaab kuwaasi oo ka guuray magaalada Marka Markii la qabsaday.

Al shabaab ayaa dhankooda waxay wadaan sida la sheegay dhaq dhaqaaqyo ciidan halkaasi ka wadaan, ayadoo sida aan wada ognahay ay adag tahay in cidamada alshabab ey fool ka fool dagaal ugula soo horjeestaan cidamada dowlada iyo kuwa amisom.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shababa iyo saraakiisha dowlada Soomaaliya oo ku aadan dhaq dhaqaaqyadaan ku wajahan degmada Baraawe.

Daafeet.Com