Ciidamada dowlada iyo kuwa kenyatiga oo maanta si buuxda ula wareegey magalada kismanyo

0
106

Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka, Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya ee AMISOM ay si rasmi ah maanta ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Jen. Saxardiid oo saxaafadda la hadlayay isagoo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in ammaanka magaalada Kismaayo uu yahay mid wanaagsan, balse ay qabteen dhowr qof oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo maxkamad lasoo taagi doono.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax dhibaatooyin ah oo ka dhacay degmada markii ay soo galayeen, ayna amar ku siiyeen dadka shacabka ah inaysan hub ku dhex-qaadan karin gudaha degmada sidoo kalena aan la arki karin kooxo u dhisan qaab abaabulan.

Xoogaggii Xarakada Al-shabaab ee shanta sano ka talinayay Magaalada Kismaayo ayaa isaga baxay halkaas horraantii toddobaadkan, kaddib markii culeys milateri ay kala kulmeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya.

Daafeet.Com