Raiisul wasaraha oo sheegey inuu soo dhisi doono dowlad tayo leh

0
55

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in nabadda dalka uu ku raadinayo dib u heshiisiin sidoo kalena uu soo dhisayo dowlad tayo leh oo la dagaalanta musuqmaasuqa una horseedda dalka inuu ka baxo dhibaatada uu muddada kusoo jiray.

Mudane Cabdi Shirdoon wuxuu sheegay inuu ku jiro wadatashiyo ku aaddan sidii uu kusoo dhiso lahaa dowlad tayo leh, isagoo sheegay inuu la tashay baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay mudnaanta koowaad siinayso soo celinta ammaanka iyo dib u heshiisiinta, isagoo xusay in xabbadu aysan ahayn xalka koowaad, kan labaad iyo kan saddexaad.

Sidoo kale, mar ra’iisul wasaaruhu uu wareysi siinayay VOA-da ayuu sheegay in ammaanka ay doonayaan inuu dalka ka hirgalo uu noqon doono mid ay qayb ka qaataan bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ciidamada iyo xukuumadda keliya aysan nabadda dalka soo celin karin, balse ay garab uga baahan yihiin shacbka.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka hadlay musuqmaasuqa isagoo sheegay in uu la dagaalmi doono musuqaasuqa, kaasoo uu ku sheegay inuu luminayo kalsooni ay shacabku ku qabaan dowladooda iyo in dowladdu ay isku halleyso shacabkeeda.

Daafeet.Com