Warar aynu dhawaan ka helney magaalada baydhabo ayaa sheegaya in deegaano ka dirsan gobolka bay ey ka curteen roobabka deyrta kaasoo ey ku diirsadeen dad bada oo ku nool deegaanka.
Roobabkaasi oo socdey in ka badan 5 saacadood ayaa waxaa ey xoog ah uga de’een deegaanada Ooflaaw iyo Shibeelow oo ah labo deegaan oo ku caan baxay wax soo saarka Masagada, waxayna qiyaas ahaan 40 km u jiraan magaalada Baydhabo.
Curashada roobka deyrta ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyay dadka xoolo dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda oo in muddo ah waysanaa roob noocaan oo kale ah.
Si kastaba arintu ha ahaatee dadka roobabkan oo kale kolka ey da’aan ayaa waxaa ey geystaan qasaaro isugu jirta naf iyo maal laakiin sida eynu ka war heyno ilaa iyo hada ma jirto wax dhib ah oo ey geesteen.
Daafeet.Com