Maddaxweynaha dowlada federalka oo sheegey in calamka diyaar u yahay wax u qabashada dalka somaliya

0
68

Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta magalada muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ay kamid tahay kulamidii ugu dambeeyay oo uu Dalka dibadiisa kusoo qaatay.

Waxaana uu sheegay in haatan uu Caalamka uu usoo jeestay wax ka qabashada arimaha Soomaaliya isagoona sheegay in haatan Caalamka uu lajecel yahay Soomaaliya wax wamaagsan islamarkaana loo baahan yahay in ay ka faa iideysaan umada Soomaaliyed sida uu sheegay.

Waxaana uu intaa siiraaciyay hadalkiisa in Caalamka uu haatan diyaar u yahay waxii aan la nimaano in uu nagu taageero oo uu wax kala qabtay arimahaas sida uu sheegay.

Waxaana uu ugu dambeentii tilmaamay in hada uu dhamaaday waqtigii la dhahaayay Soomaaliya waxaan ayaa u roon anaga ayaana u doornay laakiin maantana uu arinka yahay maxey rabaan Soomaalidu oo aan kasaacidnaa.

Daafeet.Com