Maleeshiyada al-Shabaab ee ka arrimiya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa saaka ka billaabay kontaroollada magaaladaas baaritaanno ay ku sameynayaan dadka shacabka ah.
Qaar ka mid ah dadka ku nool Jowhar ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab ay saaka billaabeen inay si gaar ah u baaraan telefoonnada gacanta ee dadka magaalada soo galaya ama ka baxaya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii baaritaanka lagu sameeyay la jir dilay markii lagu akay teleefoonnadooda waxyaabo aysan raali ka aheyn kooxda al-Shabaab, sida heeso.
Alshabab ma aha markii ugu horeysey oo ey sameeyaan baritaano noocan oo kale ah ayadoo aan la ogeyn sababta dhabta eh ee ka dambeysa in ey hada sameyaan baaritaanadan oo kale.
Daafeet.Com