Ciidamada Amisom oo qarax lagula beegsadey wadada isku xirta Wanleweyn iyo Leego

0
66

Wararka eynu dhawaan ka helney degmada wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada AMISOM lagu weeraray qarax miino ah maanta.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmada Wanlaweyn iyo deegaanka Leego halkaasoo ay marayeen kolonyo gaadiidka gaashaaman ah oo ay saarnaayeen askar ka mid ah AMISOM oo ka baxay Wanlaweyn.

Gadiid iyo ciidan gurmad ah ayaa la sheegay inay goobta soo gaareen markii uu qaraxu dhacay kadib.

Weli lama sheegin khasaaraha askarta ka soo gaaray qaraxa inkastoo mid ka mid ah baabuurta gaashamaan ee ciidanka ay miinadu haleeshay. Taliska AMISOM kama hadlin qaraxa illaa hadda.

Daafeet.Com