Gudoomiyaha gobolka shabelaha hoose oo sheegey iney dagaal ku qaadi doonan degmoyinka baraawe iyo qoryooleey

0
129

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inay hada wadaan abaabul dagaaloo ey kala soo harjeedaan ururka alshabab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegey in hada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin Degmooyinka Qoryooleey Baraawe iyo Deeganada kale ee Shabaab ay ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ugu baaqay shacabka Gobalka Shabeelaha Hoose inay bilaabaan tacbashada beerahooda maadaama hada la galay xilli roobaadka.

Si kastaba arintu ha ahaatee dagaalada ey maamulka gobolka kula jiraan alshabab ayaa ah kuwo u baahan waqti badan iyo in ciidamada dowlada ee la wareegaya degmooyinka qaarkoodna ey ka helaan kalsooni shacabka ku dhaqan degmooyinka ey qabsadaan maadaama ay yar tahay kalsoonida lagau qabo ciidamada dowlada.

Daafeet.Com