Cabasho hor leh oo kasoo yeertey degmada wanleweyn ee gobolka shabeelaha hoose

0
140

Shacabka ku dhaqan Degmada wanleweyn ayaa waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyinka ciidamo beeleedyada ku labisan dharka dowladda ay u geestaan.

mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada oo aan la xiririney ayaa inoo sheegey  in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dhaca iyaga u geystaan dadka shacabka ah iyo gaadiidleyda ka shaqeysa wadada isku xirta wanleweyni yo buurhakaba.

Waxaa kaloo uu intaasi inoogu darey iney dadka ka furtaan telfoonada iyo wixii lacag ah oo ey sitaan, wuxuu kaloo inoo sheegey in dhalinyarada badankooda ey ku eedeeyaan in ey ka tirsanayeen kooxihii halkaasi laga saare ee alshabab.

Si kastaba arintu ha ahaatee dadka degaanka ayaa beryahanba ka cabanayey dhibta ey ku hayaan ciidanka dowlada taasoo aan eheyn wax ku cusub deegaanka, dhibta noocan oo kale waxaa ey ka jiraa dhamaan gobolka shabeelaha hoose oo ey gacanta ku hayaan ciidamada dowlada tasoo loo bahan yahay in shacabka ku dhaqan gobolka ay u istaagaan xaqooda mar walabana ka hadlaan dhibta lagu hayo.

Daafeet.Com