Ciidamada dowlada iyo amisom oo howlgalo ka sameeyey degmada marka

0
124

Warar eynu ka helney Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa  sheegaya in halkaasi ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen howlgalo dad lagu soo qab qabtay.

Howlgalka oo ahaa mid ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Nabadsugida iyo sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa waxa ay kusoo qab qabteen dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Magaalada Marka ee Dowlada Soomaaliya Axmed Macalin Cukaashe ayaa  sheegay in howlgalka uu ahaa mid ammaanka Degmada lagu xaqiijinaye eyna kusoo qabteen dhalinyaro gaarreysa ilaa iyo 4 ruux kuwaas oo ey hada ku hayaan saldhiga degmada marka.

Wuxuu sheegay in raga lasoo qabtay laga soo dhex qabtay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Marka islamarkaana hada ay gacanta ku haayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya baaritaanana lagu wado.

Daafeet.Com