Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka tirsan haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.
Raysul wasaaraha ayaa kala hadlay haweenka kaalinta ay ku leeyihiin arrimaha siyaasadda dalka, dhaqaalaha iyo bulshada, iyo in la xoojiyo dowrka haweenka ee nabadda.
Raysul wasaaraha ayaa u ballan-qaaday haweenka in la ilaalin doono xuquuqdooda, wada-shaqeyn dhow ahna la yeelan doonto xukuumadda.
Kulanka ayaa ah kulankii ugu horeeyey ee uu reysulwasaaraha la qaato qaar ka tirsan arimaha bulshada asagoo ku booriyey in la kordhiyo daryeelka haweenka iyo caruurta somaliyeed maadaama ey yihiin dadka dhibta badan kasoo gaartey dagaalkii sokeeye ee ka jirey dalka somaliya.
Daafeet.Com