Ururka Al-Shabaab ayaa War qoraal ah oo ay soo dhigeen boga Twitterka ay ku leeyihiin Internetka ayaa waxa ay ugu hanjabeen qoraalkaas Dowlada Britain.
Al-Shabaab waxaa ay ugu digeen Xukuumada Britain inay joojiso dagaalka ay ugu soo horjeedo dadka Islaamka ah,sida Abu Hamza oo ah wadaad Mareykanka loo gacan geliyay.
Hadii ay dhaci wayso in Britain ay dhaqan geliso hadalka Al-Shabaab waxaa ay noqon doontaa sida shabaab uu hadalka u dhigay inay qaadi doonaan weererkii ugu Xumaa Abid.
Ururka Al-shabaab ayaa horay u sheegay inay caawinayaan dadka la dulmiyo ee Islaamka ah waxaan hanjabaada ay hada soo saareen ku sheegeen in wax aan weli horay uga dhicin dalka Ingiriiska ay ku sameyn doonaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee hanjabaadan ey soo saareen alshabab ayaa ah kuwo ay hada ka hor soo saareen oo ey ku taageerayeen iney garab siinayaan dagaalada ka socda dalka yaman.
Daafeet.Com