Dowladda Uganda ayaa sheegtay in afar ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM lagu dilay dagaal Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo 100-km dhinaca galbeed kaga beegan Muqdisho.
Askartan ayaa waxay ka mid ahaayeen askar doonaysay inay sameeyaan howgal ay ugu gudbayaan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM.
Afhayeenka milateriga Uganda, Col. Felix Kulayigye ayaa shaaciyay warkan, isagoo sheegay in afartan askari lagu dilay qarax dhacay intii uu socday dagaalkii ay ku dhinteen.
Dhanka kale, afhayeenka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, Cap. Henry Obbo ayaa isaguna sheegay inay ka go’an tahay ciidamadooda inay ka gudbaan gobolka Shabeellada hoose ayna gaaraan degmada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay ciidamadooda ku sugan yihiin.
Daafeet.Com