Dadka dega degmada wanle-weyn oo ka hor yimid kooxo rabey iney dhigtaan isbaarooyin gudaha degmada wanle-weyn iyo meelaha ku dhow dhow

0
132

Xiisado iyo cabsi dagaal ayaa ka taagan degmada Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose kuwaasoo u dhexeeya dadka deegaanka iyo kooxo isa soo aruursadey oo kasoo kicitamey qeybo ka mid ah degmooyinka shabeelaha hoose, ciidamadan oo uu hogaaminaayo nin la yiraahdo Axmed madane iyo yuusuf indha cade kuwaas oo tiradoodua lagu qiyaase ilaa iyo 18 ruux oo dhamaantood ah ceyr.

wararka waxaa ey intaasi ku darayaan in ciidamadaasi ey isku deyeen in ey isbaarooyin dhigtaan gudaha iyo bananka magaalada halkaas oo ey rabeen in ey dadka kaga gurtaan lacagta ayagoo sheeganaayey in ey warqada ka sitaan wasaarada arimaha gudaha, dadkii deegaanka ayaa si cad uga soo horjeestey arintaas ayada ah.

Ciidankaas ayaa sida la sheegayo waxaa kaloo la socdey nin la yiraahdo Xuseen Kheyr oo hada ka hor degmada wanleweyn ku diley ugu yaraan 18 ruux nikaasi ayaa isna la sheegey in laga soo magacaabey magalada muqdisho si uu halkaasi uga mid noqdo masuuliyiinta degmada.

Xiisadaas ka dib ayaa waxaa qasab noqotey in ciidamadii ka yimid magalada muqdisho  dhamaantood ey dib ugu laabtaan magalada muqdisho halkaas oo markii horaba ka yimaadeen, dadka degen deegaan ayaa weli ku eegaya indho gaar ah arintaas ayada ah waxaana laga yaabaa in ey degmada dib ugu soo laabtaan ayagoo doonayana in ey ka fushadaan danahooda.

Si kastaba arintaas ha ahatee beelaha kasoo qaxey gobolada dhexe ayaa waxaa ey aaminsan yihiin in ey dhaxal u heleen in ay xoog ku heystaan gobolka shabeelaha hoose halkaas oo dadkii lahaa weli ku jiraan hurdo dheer oo aan dhamaad laheyn, beesha shanta caleemood ayaa ah beesha kaliya ee mar walba dagaal kaga hor timaada beelahan soo qaxay oo raba si aan gabasho laheyn iney u boobaan dadka ku nool gobolka shabeelaha hoose.

 

Daafeet.Com