Dowlada Jabuuti oo sheegtey iney soo dhameystiri doonto ciidamadii ey u balan qaadey iney ku biiriso amisom

0
76

Dowladda dalka Jabuuti ayaa sheegtay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhameys tirayso tirada ciidamada ay ballan qaaday inay ku biirinayso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ku simaha safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Maxamed Cabdi Jaamac oo wareysi siiyey idaacad ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in tiradii ka dhimaneyd ciidamada dalka Jabuuti ee la qorsheeyay in Soomaaliya la geeyo ay ka soo amba-baxeen gudaha dalka Jabuuti, isla mrkaasna ay hadda ku sugan yihiin gudaha dalka Itoobiya oo ay dhinaca dhulka uga soo gudbi doonaan dalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Jaamac ayaa sheegay in ciidamada dalka Jabuuti hadda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay gaarayaan 350, wuxuuna sheegay in maalmo gudahood lagu dhameystiri doono ciidanadaasi.

Hadalka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Midowga Afrika ay sheegeen in ku dhawaad 20-kun oo askari ay hadda ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya, isla markaasna ay qorsheynayaan inay ciidamo kale oo dheeri ah la geyn doono Soomaaliya.

Daafeet.Com