Waxaa maanta booqasho ku tegey magaalada muqdisho wasiirka arimaha dibada ee dalka talyaaniga Julio Terzi kaasoo kulan kula yeeshey xarunta maddaxtooyada somaliya madaxweynaha dowlada federalka somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka ayaa sheegey in booqashadiisa magalada muqdisho ey ku saleysan tahay sii loo adkeyn lahaa xiriirka laba dowladood ee somaliya iyo talyaaniga.
Maddaxweynaha ayaa waxaa uu sheegey in uu aad igu faraxsan yahay in uu ku soo dhaweeyo magalada muqdisho wasiirka arimaha dibada ee dalka talyaaniga wuxuna sheegey iney bilow u tahay cilaaqaadka u dhexeeya dalka somaliya iyo talyaaniga uu yahay mid mudo dheer soo jirey.
Waxaa kaloo isna goobta ka hadley wasiirka arinaha dibada ee dalka talyaaniga oo isna sheegey in uu u yimid dalka somaliya in uu xoojiyo xirirka soo jireenka ahaa ee u dhexeeya dalka somaiya iyo talyaaniga wuxuuna ugu hambalyeeye maddaxweynaha guusha siyaasadeed ee uu gaarey.
Si kastaba arintu ha ahaatee dowlada talyaaniga ayaa waxaa ey hormuud ka tahay dibandaabyada lagu hayo dadka somaliyeed iney yelato hoggaan ama dowlad sax ah sababtoo ah sida eynu ka warheyno dowlada talyaaniga waxaa ey eheyd dowlad soo gumeysatey qeyb ka mid ah dalka somaliya mana jirto wax la taaban karo oo ey u qabatey, sida dalka turkiga oo kale turki howlo badan ayuu dalka ka hayaa oo mashaariic badan ayuu ka fuliyey ardey badana wuxuu u qaadey waxbarasho.
Daafeet.Com