Xoghayaha arimaha dibada ee dalka Mareykanka Hilary Clinton ayaa shaacisay inay bixin doonaan lacag gaareysa 58 Million oo doolar kuwaasi oo lagu gargaarayo wadamada Geeska Africa oo iminka ay jirto baahi Bini-aadanimo aad u daran.
Hadalka ka soo baxay Mareykanka ayaa Cilnton waxa ay sidoo kale ku tilmaamtay in xaalada Bini’aadanimo ee Soomaaliya faraha ka baxday,waxa ayna sheegtay in ka badan 9 Milion oo qof ay u baahan yihiin caawinaada.
Sidoo kale xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka Hilary Clinton waxa ay balbalaarisay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada Geeska Africa ay ka jiraan dhibaatooyinka,labo milyan qof ee wadanka ay u baahan yihiin gargaar Bini’aadanimo,waxa ayna balan qaaday in Soomaaliya ay garab taagan yihiin ay ku caawinayaan sidii dadkaasi dhibaateysan loo gaarsiin lahaa gargaar deg deg ah.
Dowlada wadanka Mareykanka waxa ay sheegtay in horay ay u bixisay lacagaha gaareysa 1.3 Billion kuwaasi oo caawinaad loogu fidiyay tan iyo 2011 dad dhibaateysan ee ku sugan wadamada Soomaaliya ,Kenya iyo Ethiopia.
Daafeet.Com