Howlgalo maanta laga sameeyey qaar ka mid ah wadooyinka isku xira shabeelaha hoose iyo muqdisho

0
108

Ciidamada dowladda Soomaaliya howlgalo ey maanta ka sameeyeen jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye illaa degmada Marko ayaa waxay ku qabqabteen rag hubeysan oo ay sheegeen inay qaarkood wateen tuutaha ciidamada xoogga dalka.

Howgalladan ayay saraakiisha dowladdu ku sheegeen inay qayb ka yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka goobaha ay dowladdu ka taliso oo ay ku jirto Muqdisho, iyadoo dadka la qabtay la sheegay ku jiraan dad shacab ah oo hubeysan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay howlgan noocan oo kale oo Muqdisho ay ka sameeyeen waxay kusoo qabqabteen in ka badan 100 qof oo qaarkood ay xirnaayeen dharka ciidamada milateriga, kuwaasoo la sheegay inay si sharci-darro ah hub ugu dhexwateen magaalada.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howgalladan ay qayb ka yihiin la dagaalanka isbaarooyinka la dhigto qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo dhacay intii ay howgalladu socdeen maanta.

Daafeet.Com