Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo booqasho ku yimid dalka somaliya.
Wafdigan ayaa waxaa hogaamineysey kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda Wendy Sherman kolkii ey yimaadeen kadib ayaa maddaxweynaha waxaa ey ka wada hadleen xirirka diblamaasiyadeed iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Madaxweynaha oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Muqdisho yimaadaan wafdiga, wuxuuna xusay inay sidoo kale ka wada hadleen in Mareykanku kordhiyo kaalmooyinka uu Soomaaliya siiyo iyo gacanta uu ka geysto ammaanka dalka.
Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen xubnaha ay isku afgarteen.
Daafeet.Com