Reysulwasaraha oo maanta magacaabey golihiisa wasiirada

0
52

Ra’iisal Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta soo magacaabay Xubno wasiirro ah oo ka mid ah noqon doona Xukuumaddiisa.

10 Wasiir ayuu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo kala ah:

1-Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’isul wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

2- C/laahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka, Cadaalladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

3- C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga

4- C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

5- Maxamuud Xasan Suleymaan Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta

6- C/laahi Cilmooge Xirsi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

7- C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka

8- Muxyaddiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

9- Maryan Qaasim Wasiirka Hormarinta iyo Adeegga Bulshada

10- Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Tobanka xubnood ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid oo badankood ah kuwo cusub ayaa waxaa haween ka ah 2 ruux. Xubnaha la magacaabay oo 9 ka mid ah ay joogeen goobta lagu magacaabay ayaa waxaa la horgeyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo.

Daafeet.Com