Tahriibayaal soomaali ah ah ayaanayaa dooni ey la socdeen kula degtey Tiro biyaha u dhexeeya dalalka Talyaaniga iyo Liibiyo, ayadoo la sheegey in ey ku dhinteen dhowr qofood oo soomaali ah, ilaa iyo hada waxaa la heley maydadka saddex qof oo Soomaali ah.
Warsaxaafadeed ay soo saareen maanta oo Axad ah ciidamada badda Talyaaniga ayaa waxay ku sheegeen in laba doomood iyo markab ay leeyihiin ay badda kasoo saareen 70-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay inay nool yihiin, balse ay xalaadoodu daran tahay.
Maraakiibta ciidamada badda Talyaaniga iyo diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa ku jira baadi-goobka dad kale oo doonida ka badbaaday ama kuwo dhintay, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo tahriibayaal Soomaaliyeeed ay dooni kula dagto biyaha u dhexeeya dalalka Talyaaniga iyo Liibiya.
Kumannaan qoxooti Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay badda Mediterranean-ka xilli ay isku dayayeen inay u gudbaan dalalka Yurub, iyadoo kumannaan kalena ay si nabad ah ku gaareen dalka Talyaaniga iyo Jasiiradda Malta oo ay uga gudbaan dalalka kale ee Yurub.
Daafeet.Com