Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka codsaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu xildhibaannada hor keeno wasiirrada la magacaabay todobaad gudahood.
Prof Jawaari oo shalay ka hadlay xafladdii magacaabista wasiirrada cusub ayaa sheegay in baarlamaanka uu ka codsanayo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon inuu sida ugu dhaqsiyaha badan baarlamaanka ku hor keeno wasiirrada, si cod loogu qaado.
Prof Jawaari ayaa kula dardaarmay wasiirrada cusub inay ogaadaan inay u shaqeeyaan dadka iyo dalkaba, loogan baahan yahay gudashada waajibaadka saaran.
Si kastaba arintu ha ahaatee ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynuhu ay muujinaya inay kalsooni weyn ku qabaan in xukuumaddan la ansixin doono, ayaan haddana la ogeyn go’aanka kama dambeysta ah ee ay qaadan doonaan xildhibaannada baarlamaanka.
Daafeet.Com