Qarax xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada ey somalidu u badan tahay ee Islii ee magaalada neyroobi kaasi o geystey qasaaro, qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmey ilaa iyo afar ruux.
Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd Buundo ay dadku isticmaalaan, waxayna ahayd 7:00 barqanimo oo ah xilliga ugu mashquulka badan oo ay dadku shaqooyinkooda aadaan.
Saraakiil katirsan Booliska Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa Bam wadada dhinaceeda la geliyay, haseyeeshee waxa ay sheegeen in weli ay wadaan baaritanno ku aadan arintaasi.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa gaaray ciidamo katirsan booliska Kenya, iyo quburro dhinaca qaraxyada ah, waxa ayna ciidamadu hakad geliyeen isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee isticmaali jiray wadadaasi.
Daafeet.Com