Hoggaamiyaha al-Qaacidda Ayman al-Zawahiri ayaa farriin cod ah oo uu ugu talagalay warbaahinta wuxuu ugu baaqay maleeshiyada al-Shabaab inay sii waddo dagaalka ay kula jirto ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Al-Zawaahiri ayaa ku dhiirri-geliyay kooxda al-Shabaab, oo dhowaan laga qabsaday magaalada dekedda leh ee Kismaayo, inaanayn ka niyad-jabin qabsashada magaaladaas, isagoo ku boorriyay inay sii waddo dagaalka ay kula jirto ciidamada Kenya iyo kuwa Midowga Afrika ee dalka jooga.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in al-Shabaab ay dhadhan siiso ciidanka shisheeye wax uu ugu yeeray “xabbadda Jihaadka iyo kulaylkeeda”, ayna xoojiso dagaalka jabhadaynta ah, weerarro gaadmo ah iyo qaraxyo ismiidaamin ah.
Si kastaba arintu ha ahaatee kooxaha Alqaacida oo ey ka amar qaadato alshabab ayaa ah kuwa awoodooda ey sii liiqeyso, hogaamiyeyaal badana laga diley tan iyo markuu Brack Obama qabsadey xukunka dalka mareyka.
Daafeet.Com