Shirkii Interpol ey ku yeelaneysey dalka talyaaniga oo diirada lagu saarey sidii boliska somaliya loo caawini lahaa

0
44

Ururka Booliska Dambiyada Caalamiga ah (Interpol) ayaa isla gartay in Soomaaliya laga caawiyo dhanka farsamada, si uu awood ugu yeesho gudashada waajibaadka shaqo.

Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah sii-hayaha wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya oo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Soomaaliya uga qayb galey shir dalalka Interpol ku jira ay ku yeesheen Talyaaniga.

Wasiirka ayaa sheegay in si gaar ah looga dooday sidii dhinacyada isgaarsiinta iyo baahiyaha kale ee booliska looga taageeri lahaa Soomaaliya.

Shirkan oo ah shir sanadle oo ey ku bahoobeey 190 dal ayaa sanad walaba lagu qabtaa dunida daafaheeda  sanadkan ayaa waxaa marti gelisey dalka talyaaniga, wasiirka arimaha gudaha waxaa ku wehliyey kalfadhigan taliyaha ciidanka boliska Jeneral Shariif Sheekhuna Maye.

Daafeet.Com