Banaanbax aad u weyn oo lagu taageeraayo xukuumadda cusub ee dhawaan lasoo dhisay ayaa maanta lagu qabtey garoonka kubada cagta socda Stadio Conis ee Magaalada Muqdisho.
Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid Degmooyinka kala duwan ee Gobalka Banaadir ayaa ka qeybgalaya bananbaxan kuwaasi oo muujinaya taageerada ay u hayaan Xukuumadda cusub.
Masuuliyiin kala duwan oo Dowladda ka tirsan ayaa lagu wadaa inay gaaraan halkaasi oo dadweynaha halkaasi isugu yimid kula hadlaan.
Ammaanka goobta lagu qabanaayo bananbaxan ayaa ah mid aad loo adkeeyey ayagoo ey iska kaashanayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
Daafeet.Com