Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku beegan dib u doorashadiisa u diray madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Hussein Obama oo dib loogu doortay inuu hoggaamiyo Mareykanka afarta sano ee soo socota.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan kuusoo dirayaa hambalyo diirran oo ku aaddan doorashada mar kale laguu doortay xafiiska hoggaaminta dalka Mareykanka, waxaana kuu rajeynayaa guul,” ayuu madaxweynuhu ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.
Sidoo kale, madaxweyaha Soomaaliya wuxuu shacabka Mareykanka u diray tahniyad ku aaddan dib doorashada madaxweyne Barack Obama loogu doortay inuu sii hoggaamiyo shacabka iyo dalka Mareykanka afarta sano ee soo socota.
Daafeet.Com