Ciidamada dowlada iyo kuwa alshabab ayaa ku dagaalamey deegaanka leego ee gobolka shabeelaha hoose, dagaalkaas oo geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhawac inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 11 ka mid ah dhinacayadii ku dagaalamey.
Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaasi ku su gnaa.
Tirada dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay sare u dhaafayso 19-qof, iyadoo aan la sheegin shacab wax ku noqday dagaalkaas oo socday muddo saacado ah.
Dagaaladan gaadmada ah oo ay soo qaadaan ciidamada alshabab ayaa beryahan dambe waxaa ey joogto ka noqdeen deegaanka shabeelaha hoose taasoo ilaa iyo hada ciidamada dowlada ey xal u weysan yihiin.
Daafeet.Com