Howlgalo maanta laga sameeyey degmada marka

0
81

Waxaa aroortii hore ee saaka ka bilowdey magaalada Marka ee gobolka shabelaha hoose howlgalo lagu sugaayo amaanka waxaana si wadajir ah u sameynayey ciidamada dowlada iyo qaar ka mid ah kuwa Amisom.

Ciidamadan ayaa watey gawaarida gaashaaman ayagoo gudaha u galey goobo ey ku tuhunsanaayeen in ey ku sugan yihiin rag maalmihii lasoo dhaafey dilal iyo dhac ka geystey degmada Marka.

Howlahan intii ey socdeen ciidamada waxaa ey gacanta kusoo dhigeen dhowr qofood oo lagu eedeeyey in ey ku hayaan magalada dhibaatooyin ey ka mid yihiin amniga waxaana la sheegey in lasoo hor taagi doono sharciga.

Daafeet.Com