Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose waxaa halkaasi gaaray wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya Iyo Urur Gobaleedka IGAD.
Wararka ayaa sheegaya in wafdigani markii ay ka dageen Magaalada Kismaayo halkaasi kusoo dhaweeyeen masuuliyin ka tirsan maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose.
Wafdiga ayaa la sheegay in loo galbiyay dhanka madaxtooyada Magaalada Kismaayo halkaasi oo uu kulan uga socdo Masuuliyiintaasi iyo maamulka Magaalada Kismaayo.
Ujeedada wafdiga ayaa la sheegay inay tahay arimaha maamul usameynta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana ammaanka iska kaashana ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Daafeet.com