Maamulka Ururka Al-Shabaab ee Magaalada Baraawe ee Gobalka shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay gubeen dhuxul saarneed gaari kadib markii dadkii dhuxushaasi lahaa ay ku xadgudbeen amarada maamulka Shabaab ee Baraawe.
Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Abuu Muscab ayaa sheegay inay dhuxusha ay gubeen ay tiro ahaan gaarayso 240-loor oo saarneyd gaari Dyna ah iyo sidoo kale 70-loor gaar dameero saarnaayeen.
Sababta ka dambeysay gubitaanka dhuxusha ayeey ku sheegen Shabaab inay tahay kadib markii dadkii dhuxushaasi soo goostay ay ku xadgudbeen amarada Shabaab oo qaarkood dhigaya inaan la goyn karin geedaha qaar.
Sarkaalka Shabaab u hadlay ayaa sheegay in dhuxushaasi geedaha laga soo jaray ay tahay geedihii ay cuni jireen xoolaha taasina Shabaab marhore ay uga soo saareen awaamiir ku aadan inaan la jari karin.
Daafeet.Com