Gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa weerar lagula beegsadey deegaanka Buufoow-Bac ee gobolka shabeelaha hoose Kolonyo gaadiid ah oo ey saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkan ayaa sida la sheegey waxaa ku dhintey Hal Askari waxaana ku dhaawacmey in ka badan 4 Askari oo ahaa ilaalada masuuliyiinta Gobolka Shabeelaha Hoose
Mid ka mid ah qaraxyada ayaa lala beegsaday gaari uu saarnaa guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifataax Cabdulle Yuusuf, waxaana ku dhaawacmay hal askari oo ka mid ah ilaaladiisa.
Guddoomiye ku xigeenka asagoo la hadlayey qaar ka mid ah idaacaha Muqdisho ayaa waxaa uu sheegey in uu caafimaad qabo dhibtana ey ka dambeysey kooxaha Alshabab.
Daafeet.Com