Marka hore waad salaaman tihiin walaalayaal gabdho iyo wiilal, mudanayaal iyo marwooyin.
Marka xigta, waxaan rabaa inaan halkan idinkugu soo gudbiyo warbixin kooban oo ku aaddan howlaha maamul u sameynta koonfurta Soomaaliya ee muddadan danbe ka socdey Soomaaliya.
Sidaad ka war haysaan waxaa jiray isku dayo hore oo la rabay in maamul loogu dhiso deegaanada ay DM u badan yihiin.
Waxaa sanadkan horaantiisa aan soo cusboonaysiinay in mar kale la isku dayo in maamul xalaal ah loo helo dhulkeena.
Wacyi gelin iyo la tashi badan oo bilowday bishi Maarso ayaa waxaan rabnay in maamul loogu dhawaaqo bishii May ama Juun. Nasiib daro waxaa loo batay in la sugo ilaa iyo inta barnaamijka dowladda dhexe ka dhamaanayo.
Ka dib markii la soo geba gebeeyey barnaamijka dowlada dhexe, howshii ayaa meesheedii laga sii waday waxaana la sameeyey guddi ka kooban 35 taasoo markii dambe keentay qeybaha kala gedisan ee bulshada laga soo qeyb geliyo lana sameeyey workshop soconayey 3 maalmood.
Ka dib waxaa odayaasha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay magacaabeen guddi farsamo oo ka kooban 7 qofood, muddo labo bilood gudahood ku qabta shir weyne isla markaana soo diyaariya qaab-dhismeedka dowladda.
Anigoo ka mid ah guddigaas waxay inoo suurta gashay inaan Madaxweynaha la kulano kana dhaadhicino hadafkeena. Waxaan ku guulaysanay inaan ka helno qoraal ay dowladdu ku muujinayso ogalaansho, kaalmo siyaasadeed iyo dhaqaale iyo weliba ay wax ka qabanayso ciddii ka hor timaada geeddi socodka shirka.
Ilaah mahadiis waxaa maalintii isniinta aheyd ee la soo dhaafey taariikhduna ku beegnayd 17/12/2012 inoo suurta gashay inaan Baydhabo geyno odayaal dhaqameedka DM, kharajka diyaaradana aan anaga bixino.
Waxaan kaloo ku guulaysanay inaan helno taageerada AMISOM, dowladda Itoobiya, UN-ta iyo beesha caalamka.
Inshallah, guddiga iyo wafdi kookan ayaan qorsheynaynaa inuu aado Baydhabo maalinta Isniinta ah eefoodda inagu soo heysa.
Waxaan bahweynta DM ugu baaqaynaa inay taageero hiil iyo hoo-ba ka geystaan arrintan taariikhiga ah kana fogaadaan dacaayadaha aan wax tarka laheyn ee umadda ragaadisey.
Daafeet.com