Dowlada dalka Kenya ayaa toogasho ku xakuntay qaar kamid ah askarteeda booliska kuwaas oo lagu helay in fal dil ah ay gaysteen.
Maxkamad kutaal magaalada Nairobi ayaa in la dilo xakuntay 6 kamid ah ciidamada booliska kenya kadib markii ay si bareer ah u dileen 7 nin oo ahaa tagsiilayaal rayid ah.
Qaadigii Maxkamada ayaa sheegay in lix ciidamada booliska katirsan ay masuul ka ahaayeen dilkaas xili ay howlgallo ka wadeen bishii March 11, 2010 magaalada Naivasha gar ahaan wadada Kawangware.
Ragan dilka geystey ee lagu xukumey dilka toogasho waxaa ey kala yihiin Thuku, Joseph Mwangi, James Mwangi, George Thairu, William Njau, Joseph Chege and Thiong’o Njoroge lagu xakumay dil toogasho.
Askartan ayaa si bareer ah u diley Ahmed Omar, Ahmed Shaffi, Michael Lewa, Moses Lochich, Nelson Kipchirchir, Erick Melchizedek iyo Alex Mutisya.
Daafeet.Com