Tarsan oo sheegey in aan biyo nadiif ah laga cabin magalada Muqdisho

0
76

tarsanGuddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa wuxuu sheegay in biyaha laga cabo Magaalada Muqdisho aysan aheyn kuwa nadiif ah.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Ururo NGO-yo ah ay iska dhinac qodeen musqulo iyo ceelal taasina uu sheegay inay tahay wasaqda biyaha dadka ay cabayaan,isaga oo sheegay in dadka qaar ay ugeeriyoonayaan wasaqda biyaha oo beerka kaga dhacda.

Wasiirka kheyraadka dalka Soomaliya ayuu sheegay inuu ugu baaqayo inuu la wareego awooda biyaha Muqdisho si wasaarada ay u koontaroosho biyaha.

Wuxuu sheegay in wasaarada kheyraadka dalka Soomaaliya looga baahan yahay koontaroolka tayada biyaha dalka Soomaaliya islamarkaana laga hortago biyaha wasaqeysan ee ay cabayaan dadka Soomaalida.

Daafeet.Com