Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo ka hadley warbixinta kasoo baxdey Human Rights Watch

0
50

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay warbixintii shalay ay soo saartay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.

Warbixinta oo loogu magac-daray ‘La-haystayaasha Ilaalada Xeryaha’ waxay ka hadleysaa xadgudubyo ka dhan ah barakacayaasha ku jira xeryaha Muqdisho.

War-saxaafadeed ayuu madaxweynaha ku sheegay in asaga iyo dowladdiisa ay soo dhoweynayaan warbixinta faahfaahsan ee Human Rights Watch ay uga hadashay xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka ku barakacay Muqdisho 2011, isagoo wax laga xumaado iyo naxdin weyn ku tilmaamay haween ay soo xigatay warbixinta oo sharraxaad ka bixinaya sida loo fara-xumeeyay.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in ficillada noocaas oo kale ah ay yihiin wax aan sinnaba loo aqbali karin, kana soo horjeeda dhaqanka dadka Soomaaliyeed.

Warbixinta waxay sheegtay in dhinacyada hubeysan, oo ciidanka dowladda ay ka mid yihiin ay geystaan gaboodfallada ka dhanka ah dadka barakacay ee dhibaateysan.

Daafeet.Com