Wadahadaladii Dowlada iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo oo qarka u saaran inuu burburo

0
49

sdsdWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay Hotelka uu magaalada Kismaayo ka degan yahay ee Tawakal .
Wasiirka ayaa Saxaafada u aqriyay warkooban oo ay Xukuumadu kasoo saartay kulamadii iyo wadahadaladii mudada shanta maalmood ahayd ay kula lahaayeen magaalada Kismaayo maamulka KMG ah ee magaalada ka jira.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in wadahadaladii ay la qaateen maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo uu haatan cakiran yahay uuna u cakiran yahay qodobo Dastuuri ah oo aan la dhaafi karin sida uu hadalka u dhigay wasiirka.

Halkan ka dhegayso shirka Jaraa’id ee uu wasiirkuqabtay

shan