Madaxweynaha Dowlada Federalka oo lagu wado inuu maanta hortago Barlamanka

0
117

xasanMadaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta lagu wadaa inuu hortago Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya si uu daahfuro kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka.

Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabo xoogan oo ku aadan munaasabada furitaanka kalfadhiga saddexaad ee Golaha shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa furitaanka kadib wuxuu halkaasi ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka Dowladda uu hogaamiyo mudada sanadka ah ee ay jirtay iyo horumarka ay gaartay dowlada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kasoo noqday fasax gaaban oo ay galeen,iyadoo horay Guddoonka Baarlamaanka ugu dhawaaqay in fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka uu furmayo 10-septembar oo maanta ku beegan.

 
Daafeet.Com