Ra’iisulwasare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho kadib markii uu safaro kusoo maray dalal ka tirsan caalamka.
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno kamid ah labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar kamid ah shacabka reer Muqdisho.
Soo dhaweyn kadib Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wuxuu Garoonka Muqdisho ku qabtay shirjaraa’id oo uu ku faah-faahiyay heshiisyo Dowladda Soomaaliya ay la gashay Bankiga Islaamka Aduunka iyo Dowladda Yemen.
Saacid wuxuu sheegay in Bankiga Islaamka Soomaaliya uu ugu deeqayo lacago badan oo Soomaaliya wax loogu qabanayo.
Daafeet.Com