Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray Dubai, halkaasoo uu ka furmayo shir looga hadlayo ka hortagga burcad-badeedda.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa: wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka Soomaaliya, madaxweynaha maamulka Galmudug, agaasimaha guud ee madaxtooyadda iyo xubno kale.
Garoonka diyaaaradaha ee Dubai ayaa waxaa kusoo dhaweeyay, wasiirka waxbarashadda dowladda Imaraadka Carabta, Xumeyd Al-Khadhaami, safiirka Soomalaiya u fadhiya Imaaradaka Carabta, Cabdulqaadir Sheekheey Al-xaatimi iyo mas’uuliyiin kale.
Shirkan ka hortagga burcadbadeeda ayaa sanadkan ciwaan looga dhigay: “Ka hortagga burcad-badeedda iyo iska kaashiga dhismaha awood ka hortagta “Countering Maritime Piracy: Continued Efforts for Regional Capacity Buiding”.
Daafeet.Com