Nabadoon Xaley ey kooxo hubeysani ey ku dileen Magalada Baladweyne

1
103

dilKoox bastoolado ku hubeysan ayaa xalay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay nin nabaddoon ah oo degmadaas caan ka ahaa.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan Korneyl Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in labo nin oo dhallinyaro ah oo hubeysan ey xaley toogteen nabadoon Xusen Macalin Maxamuud isagoo markaasi kasoo baxay Masaajidka.

Lama oga sababta loo dilay iyo cidda dishay nabaddoonka, balse taliyaha ayaa ku eedeeyay Al-shabaab.

Si kastaba arintu ha ahaatee dilalka loo geysanaya nabadoonada aya akusoo badanaya dalka somaliya ayadoo isbuuc dhaweyn lagu diley malaaq ka tirsan malaaqyada digil iyo mirifle magalada baydhabo.

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. ilaahbaan idinku dhaarshee hadaan ilaahey kurigiisa aan lagubad baadeeynin aaqirsamanka malajoogoo oo nafsadii qiimo beelay masuuliyintii umadana kuras raadin udhimanaya qof asoo towxiidkii qiranaayana lagowracayo muslimka kuwii sheeganayeena dhexdooda lagu amaan heleenin hadad gaal nabad udoonatidna warka kugubedelayo gaala raac ilaahoow adoomadadi kasoogaar

Comments are closed.