Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo kaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu watay ruux naftiis hure ah.
Afhayeenka dhanka Howlgalada Kooxda Shabaab C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ay doonayeen inay Axmed Madoobe ku qaarajiyaan hase ahaatee uu ka bad baaday.
Abuu Muscab ayaa sheegay in ay dileen 17 ruux oo isugu jira kuwa maamulka Jubba, IGAD, iyo xubno kale oo ka socday DF Soomaaliya iyo beesha Caalamka.
Abumascad
Halkan Hoose Kaga Dhegeyso Mobilkaada
Daafeet.Com