Kooxo ku hubeysan Bistoolado oo maanta Nabadoon ku diley Magaalada Kismaanyo

0
103

dilKooxo Hubaysan ayaa lasoo sheegayaa inay gudaha magaalada ku toogteen Alla ha unaxariistee Nabadoon Gamadiid Nuur Siyaad.

Nabadoonkan ayaa kamid ahaa waxgaradka beesha Sade, waxaana dilkiisa ka danbeeyay rag la sheegay inay wajiga soo duubteen, dilka kadibna waxaa ay ka baxsadeen halkii dilkaas uu ka dhacay.

Lama oga sababta loo dilay Nabadoonka, waxaana halka lagu dilay gaaray ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubba oo haatan howlgallo balaaran wada.

Ugaarsiga nabadoonada ayaa beryahan dambe kusoo badana dalka somaliya kaasoo ilaa iyo hada aysan jirin cid ka hadashey sidii loo sugi lahaa amaanka nabadoonada iyo shacabka sida micnodarada maalin walba loogu laayo gudaha dalka somaliya ayadoo mar walaba la yiraahdo qoladii dishey wey basxatey.

 
Daafeet.Com