Prof Jawaari iyo xildhibanada Digil iyo Mirifle oo gaarey go,aan lidi ku ah abaabulka ka socda Degmada Baydhab

6
95

jawaariKulan balaaran oo wadajir ahaa ayaa shaley waxay ku yeesheen magaalada Muqdisho gaar ahaan Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomalaiya Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaarey.

Kulanka ayaa dood dheer kadib waxaa la sheegayaa in xildhibaanda oo shir gudoominayey Gudoomiye Jawaarey ay gaareen go’aano ah:-

1-In maalinta Isniinta xildhibanda D&M iyo inta ladegta ay kala adaan gobolada SH/hoose iyo Baay ayna soo dhisaan mamulada Degmooyinka iyo Gobolada , kuwaasoo meesha ka saaraya hadafkii ahaa in la dhiso Dowlad Goboleed.

Go,aankan ey gaareen xildhibaanada iyo gudoomiyahooda ayaad moodaa mid xaqiiqda aad uga fog dadkana ey ku micneeyeen in uu yahay mid la rabo in looga hortago abaabulka maamul u sameynta 6da gobol ee koonfurta somaliya.

Sida eynu la socono gobolka shabeelaha hoose inta ey dowladu maamusho waa 4 degmo inta maqana waa 4 digmo ma jirto xildhibaan kasoo jeeda deeganadaas oo tegi karo ama hal mar ka badan tegey.

Marka suaasha la is weydinayaa wexey tahay xildhibaanadan la yiri taga deegaanadiina maamulna usoo sameya ma noqon kartaa ma ka hadleysa xaqiiqda mise waa mid la doonaya in lagu carqaladeena shirka ka bilaaban raba Degmada Baydhaba.
Daafeet.Com

6 COMMENTS

  1. Shirka in salka laga soo bilaabo ayaa ka wanaagsan oo maamulada degmooyin iyo gobolada lasoo dhiso kadib maamul goboleed

  2. aniga jawaarey danta digil iyo mirifle uma fadhiyo meeshaas iyagan ma soo dooranine please digil iyo mirifloow jawaarey kaliya hafiirinine wey badan yaihiine inta dadnimada iyo wadinimada ku weeyn ha lagubedelo ayaan dhihi lahaa jawaarey. amaba inaan jirinbaha lagasoo qaado.

  3. Ninkaan magaca hakaba wataan la yaba war nimanyahaw intee u socotan maxase damacsantihiin war ilaahey ka cabso oo midnimada digilmirifle ka daaya farafareenta teda kale qof walbo masul ah ka tirsan dowlada dm hadu wax qaban wayo wa la cadeyneya hadu wax qabtana wa la amaneya saas ugow anugu makal jeclin qofka waxqabad kiisa unba lagu qiimen kara bal fiiri boobland jubada hoose ayey halmagalo ka heystan markaad oo wiliba jabhad ah mamul lo aqonsadey kana qeebgalaya shirka biljem lacagta mesha laga so qadana dowladu iyo ayaguba waxey doneyaan iney kula dagalamaan digil iyo mirifle waxa ku dheer puntland iyo kuwa kaloo lamid ah hada dowladu waxey hub ka so qadaneysa yaman dm ayan lagula dagalameya marka iska fiirsha arimahas. Waan in lagu mudaharada dowlada xag dhaqale iyo hubkaba wa in laga hor staga .

  4. Jawari wllow adigoo mahadsan kursiga ad kufadhiso oo besha dm ad kumataleso noga kac maxayelay waxad noqotay daba dhilif wllhi gudomiye kaxun oo ma arkin oo boskaga somaray marka wllow anago ah wilasha dm kudhaqan qurbaha arinkasi ayan kacodsanenaa in adkursiga nibaso si an mesha ukeno cid xaqena nodhicin karto waxan kalo kushegena go anka mamulka in an sameneno oo hadalkaga iyo xilibanada kuracsana an maqlenin sidasi u ogaw odayashena ayan garabtagan nahay warkoda aya sax ah kaga war hawiye iyo darod oo kusomeriyen

  5. Laab lakaca is ka daaya, wixii Juba Land laga diiddey hadaan ke celino masoconayaan, ee hogaanka qofka wada haloo daa, lakiin hadaan kuligeen rabno inaan talino waa dhibaato.

  6. Xaqiiqda aanu kahadlno gudoomiye daacad ah waqti lasiin wayay waxuu ahaa ninkii ladhihi jiray Madoobe Nuunoow oo xambaarsanaa qadiyad digil iyo mirifle waxii ninkaas kahoreeyay iyo kadan beeyay waa wada waxuush, ANIGA Dabare dagaal ayaa naga dhaxeeyo Raxanweyntana way naceb yihiin lakiin waa niman rag ah oo hiil iyo hooba loogu imanayo. Waxay aaminsan yihiin inay Digil oo keli ah jiro balse aysan aamin sanayn reewin.

Comments are closed.