Sarakiil ka socoto Amisom oo maanta gaarey Magalada Beledweyne

0
86

Booliiska AMISOMSaraakiil ka socta ciidamada booliiska howlgalka midowgga Africa AMISOM oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulamo kala duwan waxaa ay la qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada booliiska maamulka iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxa ciidamada ka tirsan booliiska AMISOM ee lagu wado in dhawaan la geeyo magaalada Beledweyne Theophilus Senese oo horkacayay wafdiga ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in ciidamada booliiska maamulka gobolka kala shaqeeyaa sugida ammniga, dhinaca kalana siin doonaa tababaro sare loogu qaadayo aqoontooda.

Theophilus Senese, ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan marka ay soo dhameystirmaan ciidamada howlgal guri ilaa guri ah oo lagu xaqijiinayo nabad-galyada guud ahaan magaalada.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM Col Cismaan Dubad oo ka hadllay kulanka ayaa sheegay in ay siweyn ugu faraxsan yihiin saraakiisha ka socta booliiska AMISOM isaga oo ku tilmaamay in imaashahoodu uu wax weyn ka tari doono ammniga.
Daafeet.Com