Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federalka oo u socdaaley Dalka Bilgim

1
123

xasanWafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dowlada federalka ayaa shaley gelinkii dambe ka duuley garoonka Adan Cade ee magalada Muqdisho isaga oo kusiijeeda Dalka Bilgim.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxa aka mid ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam,wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Shiik C/qaadir,Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleeymaan,iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Guutaale ayaa u shegay saxaafada in ajandaha Dowladda Soomaaliya ay la tageyso shirkaasi uu ku qotomo shanta tiir ee saldhiga u ah siyaasada dalka Soomaaliya.

Kamaal Daahir Xasan agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in shirka Brussels uu yahay shirweeyne looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta soomaaliya,iyo sidii wadamada caalamka ay u taageeri lahaayeen qorshayaasha ay soo gudbisay dowlada soomaaliya.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. godoomiyaha gobolka shabeelada hoose oo anba baxay shirka brusilis shalay ayuu ka dhoofay garoonka aadan caade madaxweynha wafdiga uu hogaa minaayo ayuu lasocday hadaan naha reer shabeelada hoose c/qaadir siidi masha allaah wuu ka dhax muuqdaa siyaasada

Comments are closed.