Urur Goboleedka Igad oo ku booriyey Bangiga Barklays ineysan joojin la shaqeynta Xawaladaha Somaliyed

0
122

igadGolaha wasiirada ee dowladaha ku jira IGAD ayaa ku booriyay bankiga barklays ee laga leeyahay wadanka biriten inaysan ku dhaqaaqin joojinta in ay la tacaamusho shirkadaha xawaladaha ah ay somalida ku nool wadankasi adeegsadaan.

Golaha ayaa shegay in qaraarka bankiga uu doonayo in 30-ka bishaani uu ku xiraayo acounada xawaaladaha somalida ay noqon doonto mid handadaad ku ah arimaha bini’aadanimo iyo mid amni oo Qatar ku ah nolosha shacabka somaliyeed xili ay 40% shacabka Somalia ku tiirsan yihiin lacagaha dibadaha ay ka helaan.

Warkaani aya soo baxay kadib markii ay golaha wasiirada IGAD ay kulan gooni ah ay ku yeeshen magalada barasalis ee xarunta wadanka biljimka kadib gaba gabadii shirkii heegsiga cusub ee wadankasi lagu soo gaba bgabeeyay.

Waxaay ka digeen hadii bankiga uu meel mariyo go,aanadisa inay arimahasi oo dhan ay sababi doonan in si sharci dara ah ay u soo diraan somalida tasi oo wiiqi karta horu marada dhanka siyaasada ee laga sameeyay Somalia.
Daafeet.Com