Dhegayso…Ex-Xildhibaan Hilowle"Walaaleheena ha dhistaan Sedexdooda gobol"

4
98

hilowle

 

 

 

 

 

Hilowle Aadan Maxamed oo horay uga mid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanka ku meelgaarka ahaa ee Soomaaliya haatana xulifo la ah kooxda Dhulboobka Raaskanbooni ee Axmed Madoobe horwadeenka ka ah ayaa waraysi aan la yeelanay waxa uu sheegay inuu jeclaan lahaa Walaalihiis Digil iyo Mirifle inay dhistaan maamulka sedexdooda gobol waxa uuna ugu yeeray inay iyagu wax ka bartaan sidoo kalena sheegay in beelaha Digil iyo Mirifle ay degaan sedexda gobol ee Juba oo kala ah Gedo,Jubada hoose iyo Dhexe isagoo weliba hoosta ka xariiqay in Digil iyo Miriflaha degan Jubada hoose ay ka badan yihiin kuwa degan Baay.

Halkan ka dhegayso

Unknown Album

Mobilkaaga ku dhegayso

4 COMMENTS

  1. digil iyo mirifle ayaga aya wax sameysan waayey madaxweyne jaanis ayuu siyay oo ku so sameystan 6 gabol. lakin waa iska hurdaya waxna waa raba ma soconeyso

  2. Digil iyo Mirifle weligood ma diidin in maamul ay sameystaan ee waxaa dhagar iyo khiyaano hoose ku waday madaxdii Somalia soo xukuntay iyo weliba kuwa caada qaatayaasha baarlamaanka ugu jiraan. Ninkan la yiraahdo hilowle ciddii uu doono ha ka dhasho ma aha in D/M u tilmaamo maamul goboleed ka kooban 3 ama 6. Asaga maxuu u soo qabtay waagii uu xildhibaanka ka ahaa baarlamaan ku sheega Somalia? Haddii wax caqli ah uu madaxiisu ku dambeeyaan asaga ha is toosiyo oo Allah dembi dhaaf weydiista, maxaa yeelay waagii xildhibaanka ahaa dad badan oo D/M ah ayaa macluul ugu dhinteen meeshii asga laga soo doortay, magacoodan wuu matalaayey. Allah ka baq oo dembi dhaaf la imaaw ha la yiraahdo inta uu ku mashquulsan yahay fidnad iyo hunguri xaaraan ah uu ka soo qaatay kooxda dhulboobka ee jubooyinka.

Comments are closed.