Guud ahaa warbaahinta ku hadasha AfkaSoomaaliga ayaa siyaabo kala gedisan waxay uga hadleen safarka uu Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi sare oo uu hogaaminayo ay maanta ku tageen magaalada Baydhabo.
Waxaan ku bilaabaynaa warbaahinta ku hadasha Afka Dowlada RadioMuqdisho ayaa waxaa markii ugu horaysay qortay erayga KoonfurGalbeed oo markii hore ka caaganayd bedelkiisana ay isticmaali jirtay Baay iyo Bakool.
Waa kan qayb ka mid ah qoraalka RadioMuqdisho.
“Soo dhaweyntaasi kadib Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu kulan kooban si wadajir ah ula qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka ee ku abtirsada gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya,malaaqyada,waxgaradka iyo nabaddoonnada gobolladan ayadoo ugu horeyn xubno u hadlay waxgaradka oo kulanka ka hadlay ay uga mahad celiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdiga ballaaran ee la socda sida ay ugasoo jawaabeen u yeeristooda”.
Sidoo kale ayaa Warbaahinta Warqaad.com booqashada Jawaari kaga gaabsatay sidan”Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay wafdigiisa gaarayeen in ka badan 50-xildhibaan iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada, iyadoo wafdigani ay noqonayaan tiradii ugu badnaynd dowladda oo socdaal ku taga Baydhabo tan iyo markii dowladda Soomaaliya la dhisay muddo hal sano laga joogo.
Inkastoo wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka aanay ka warbixin sababta ay Baydhabo u tageen, balse waxgarad ka tirsan kuwa gobolka ayaa u sheegay warbaahinta in wafdigan inta ay ku sugan yihiin Baydhabo uu ka qaybgeli doono kulammo wada-tashi ah oo degmadaas ka dhacaya”.
Webabka Hiiraan iyo Raxanreeb.com ayaa qoraal u muuqdo inay iska Copy-yeeyeen ku yiri
“Tegitaanka wafdigan ee Baydhabo ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay shalay ugu baaqeen waxgaradka iyo malaaqyada gobollada Bay iyo Bakool in xidhibaannada kasoo jeeda gobolladan ay laba maalmood gudahood Baydhabo ku yimaadaan.
Shirka ka socda magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in lagu dhiso maamul ay ku mideysan yihiin gobollo lix ah oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan Bay, Bakool iyo Gedo”.
Waa yaabe Qoraaga ma waanu aqoonin sedexda kale ee ka mid ah Lixdan gobol ee uu sheegay in maamul loo dhisayo mise!!!
Sidoo kale ayaa Barkulan waxay qortay sidan”Professor Jawaari ayaa sheegay in socdaalka Baydhabo ay ku tageen ay ka dambeysay codsi ay u soo direen odoyaasha deegaanka oo u yeeray xildhibaannada iyo wasiirrada ugu jira dowladda.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in maamul goboleed laga dhiso gobollada Baay iyo Bakool uu noqdo qorshe fadhiya oo la isku raacsan yahay oo horseed u ah Soomaalinnimo iyo wax wada qabsi, si looga wada shaqeeyo horumarka Soomaaliya”.
Saadaalnews ayaa dhankeeda qortay “Waxaa Maanta Gaaray Magaaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay Wafti Balaaran oo u Hogaaminayo Gudoomiyaha Barlamaanka soomaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Waxaa baydhabo kuso Dhaweyeey Jawaari Maamulka Gobalka Bay iyo Sido kale Odayaasha Digil iyo Mirifle iyadoo Si diiran laso dhaweyeey”.
Halka Jowhar.com ay qortay sidan “Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo booqashadiisa ay ku soo aaday, xilli odayaasha iyo waxgaradka beelaha ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ay muddo labo cisho u qabteen Xildhibaanada iyo wasiirada uga midka ah dowladda Soomaaliya.
odayaasha iyo waxgaradka beelaha digil iyo mirifle ay aad u saluugsan yihiin heshiiskii Addis Ababa ee dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba”.
Warbaahinada kala ah Baidoamedia,BaidoaNews iyo Baydhabo.com,oo kasoo jeeda KoonfurGalbeed ayaa si aad u liita uga hadlay booqashadan iyo ujeedkeeda halka Ishabaydhaba.com ay Aflagaado u raacisay Ha yeeshee waxaa booqashadan soo bandhigeeda qaybweyn ka qaatay Daafeet.com oo iyadu hormuud u ah tabinta Xaqiiqda ku dhisan ee ka jirta gudaha gobolada KoonfurGalbeed.
Hayeeshee booqashada Kusimaha Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa waxaa haba yaraatee soo hadal qaadin Shabeelle Media Network, Dayniile.com,Kismayo24,VOA iyo Kuwo kale oo intuba muujiyay colaada Saxaafadeed ee ay u qabaan Qawmiyada Digil iyo Mirifle.
Hadaba waxaa isweydiin leh ujeedka webside-yadan iyo kuwa kasii daran ee umadda beenta la daba taagan waxa ay ku danbayn doonaan kolka ay Digil iyo Mirifle oo mid ah dhistaan maamulgoboleedka KoonfurGalbeed ee lixda gobol iyo Sideeda degmo ee koonfurta Muqdisho ay dhisaan una istaagaan difaaca iyo horumarinta goboladooda?
Jawaabta iyagaan u dhaafay.
Wadajirradio.
Aad iyo ad ayad umahadsantihiin webka dafeet.com sida wanagsan ad nagu soo gudbisen wararka boqashada prof jawari iyo xilibanada iyo wasirada wadna kumahadsantihin mar lawad iyo sidexadba waxan kalo niga mahadcilinenaa cododka adnogu hagajisen oo an mobeladena anka dhagesaneno wllhi anakoo dibada jogno ayan waxan ismodnaa in casimada baydhabo janaa an jogno ee allah haniga abaliyo shaqada wanagsan ad uhesan umada smliyed gar ahan kuwa gobolda konfured gul ayan hawada nisomarinayaa anigo ah ansari kuna sugan pakistan
daafeet web thank you very much
langkii booraaw hi booro DM dhulsheey ussuu leh
Asc akhiyaarta daafeet.com waan idin salaamay saln ka bacdi wararkan kala dun ee aad isku kenteen aad ayaan uga heley
digil iyo mirifle up
wxiii adaawad naga dhaxeesana
dwon ayaan leeyahy idinkana waad mahsantihn garabkiina alaha galo..
w
Maasha allah aad iyo ad ayaat umahadsanthn in sha alah 6gbl wn dhiseyna cadowga alaha hanaga qabto
geesiyaal daafeet.com sas ayan idinka rabna waxa nagu ballan ah kii mamulka laso dhisayo ka horyimado xita white houseka mareykanka hadu galo walahi bilaahi talaahi wan la galeyna waxan rabna midnimo iyo dowlad goboledka maayland sas ayan isku ognahay
aada ayaan ugu faraxasanahay daafeet.com qaabka ay u shaqeeynayso viva daafeet.com
mashaalllah sas ba la idnka raba warbahinta reer arlaadi midka kalinta kowad qaday wabsaydyada arlaadi waa deefeet.com waye mida kale wa lagu oga dhiiga reer daafedlaha waa dad jacel midnimada dm marka wanaga digil ii mirifle so geliya dadkana dhiira geliya inshaallah
eeda an mahadsantiin daafeetnews sida isin han gudbiideen aqbaarka reer k/galbeed..viva d-i mirifle
Comments are closed.