Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay gacanta ku haysay Al-shabaab.
Degmada Mahadaay oo 30-km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku dhaqaaqeen iyagoo la wareegay iska-hor-imaad kooban kaddib.
Qabsashada degmadan ayaa waxaa soo dhaweeyay xukuumadda Soomaaliya iyadoo warbixin ku saabsan la wareegidda degmadan lagu dhegeystey shirkii ay maanta yeesheen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.
Mahadaay ayaa waxay noqonaysaa degmadii saddexaad oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe oo ciidamada dowaldda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab, iyagoo horay u haystay degmooyinka Jowhar iyo Balcad.
Daafeet.Com